Waa kuma Mahdi Guuleed Khadar
Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho lagu doortay kursigii ugu horeyay ee xildhibaanada golaha shacabka ee BJFS.
Kursigan oo ay kuwada tartamayeen musharixiinta kala ah Mahadi Maxamed Guuleed Khadar iyo Mushtaaq Ibraahim Yusuf.
Mahdi Maxamed Guuled oo ku soo baxay kursiga ayaa helay 97 cod, halka Mushtaaq Ibraahim Yuusuf ay heshay 3 cod.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Soomaaliland ayaa shaaciyay natiijada doorashada kursiga Hop#239 oo uu ku soo baxay Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.
Waa kuma Mahdi Guuleed Khadar
Mahdi Axmed Guuleed /Khadar: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen , Waxa uu soo jeedaa Hargeysa, Xubin ayuu ka ahaa guddida doorashooyinka Somaliland 2009-kii, waxaa uu noqday la taliyaha sharciga ee guddida doorashooyinka Somaliland iyo Operation Director, Sidoo kale waxa uu hay,adda UNDP kala shaqeeyey sharciga/ Rule of law.