Guddiga doorashooyinka dalka Itoobiya ayaa gebi ahaanba qaadacay natiijada doorashada magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Natiijada oo uu muran badan hareeyay ayaa lagu amray in kadib baaritaanno ay sameeyeen guddiga dib loogu noqdo doorashada Jigjiga.
Guddiga ayaa maalmihi la soo dhaafay ka arrinsanayay cadeeymo muujiyana wax isdaba marin iyo musuq oo ay soo gudbiyeen musharixiinta qaar.




From the comments