Ciidamada ilaalada xeebaha dalka Greece ayaa gacanta ku dhigay dooni ay la socdeen tahriibayaal ay ku jiraan dad soomaali ah.
Doonida ay la socdeen tahriibayaasha ayaa laga qabtay xadka dalka Greece uu la leeyahay dhiggiisa Turkiga, halkaas oo ciidamada ilaalada xeebaha Greece ay diideen in ay gudaha u galaan dalkooda.
Tahriibayaashan oo kor u dhaafaya 25 qof ayaa waxaa 14 ka mid ah ay ahaayeen rag halka kuwa kale ay isugu jireen Haween iyo carrur.




From the comments