Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud oo muddooyinkii la soo dhafay safar ku joogay dalka Turkiga ayaa sheegay in loo bahana yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho.
Xasan Sheikh ayaa kulan uu la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee turkiga waxa uu ka sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen in afartii sanaba mar ay doorasho gasho.
“8-dii Febaraayo 2017-kii waxa aan Madaxtooyada kasoo kacay aniga oo ah Madaxweyne balse habeenkii waxa aan laabtay aniga oo aan ahayn Madaxweyne, ma aha in la isku dhajiyo, ilaalinta qawaaniinta ayaa muhiim ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan.




From the comments