Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad gobaleedka koonfur galbeed ayaa lagu soo gabagabeyay doorashada kursiga HOP#189.
Kursigaan tirsigiisu yahay HOP#189 ay ku tartamayaan Shekh Aadan Mahamed Nuur “Madoobe” iyo Hassan Ali Mahamed.
Shekh Aadan Mahamed Nuur “Madoobe” oo ku guuleystay kursigan ayaa helay codad dhan 63 cod, halka musharax Hassan Ali Mahamed uu helay 11 Cod.




From the comments