Cabdullahi Black Oo Loo Doortay Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Shacabka
Sheeko:Arrimaha Amniga
Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah maamulka Koonfur galbeed lagu soo gabagabeeyay doorashada kursiga HOP#193 oo saaka doorashadiisa loo dareeray.
Kursigaan ayaa waxaa baarlamaanki 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Maxamuud Maxamed Bono oo ku matalayay dowlad gobaleedka koonfur galbeed.
Waxaa hadda u tartamayay musharixiinta kala ah, Cabdulqaadir Maxamed Cilmi iyo Cabdullaahi Aadan Axmed.
Cabdullaahi Aadan Axmed ayaa ku guuleystay kursiga kadib markii uu tartanka kaga adkaaday musharax Cabdulqaadir Maxamed Cilmi .
Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dowlad gobaleedka koonfur galbeed ayaa ku dhawaaqay natiijada kursiga HOP#193 oo uu ku guuleystay Cabdullaahi Aadan Axmed .
Goobjoog News