Muxuu Yahay Isku Dayga Dil Ee Uu Ka Badbaaday Erdoğan
Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa lagu soo waramaya in uu ka badbaaday isku day lagu doonayay in lagu dillo xilli uu ka qeyb galayay isusoo bax dadweyne oo ka dhacayay magaalada Siirit ee koonfurta bari dalka Turkiga.
Waxaa la arkay mid ka mid ah gawaarida ay saarnaayeen ilaalada madaxweynaha oo lagu xiray waxyaabaha qarxa.
Gaariga qaraxa lagu qabtay ayaa waxaa saarnaa sarkaal ka tirsan ciidamada booliiska Turkiga sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan sirdoonka .
Warbaahinta Anadolu ayaa sheegtay in Bamba qaraxa lagu xiray qeybta hoose ee gaariga booliiska loo xilsaaray sugidda amniga goobta uu Recep Tayyip Erdoğan shacabkiisa kula kulmayay.
Dhacdadaan la baahiyay ayuu sheegay Hamza Dag, oo ah guddoomiye ku xigeenka xisbiga talada turkiga hayo in xogteeda dib loo dhigo si aan loo khalkhal gelin shacabka.
Erdoğan oo dhankiisa khudbad dheer ka jeediyay isku soo baxa magaalada Siirit ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin mar walba in ay la dagaalan argagixisada.
“Haddii Alle idmo waxaan xasilin doonnaa dhammaan isbedbedelka sicirka iyo sarifka lacagaha qalaad muddo aan sidaas u dheereyn,” ayuu Erdogan.
Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa muddo dhowr jeer oo horay ah ka badbaaday isku dayo dil ah iyo afgambi lala damacsanaa xukunkiisa.
Qaar ka mid ah dowladaha reer galbeedka ayaa aad uga soo horjeeda siyaasadiisa xukunka taas oo Erdogan la sheego in uu ku ad adagyahay diinta Islaamka.
Goobjoog News