Ceyrinta 7 ka tirsan guddiga xallinta khilaafaadka ayaa soo saaray inuu jiro loolan u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo xafiiska ra’isul wasaaraha. Warar lagu kalsoonyahay ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in ceyrintooda aaney shaqo ku laheyn codsi ka yimid mucaarad ama siyaasad ay ku milmeen iyo arrimo kale balse ay la xiriirto saameyn la’aanta Rooble ee guddiga dhexdiisa ah.
Maxamed Rooble, oo ah ra’isul wasaaraha xilgaarsiinta ee Soomaaliya ayaa goordhow ceyriyey 7 ka tirsan xubnaha guddiga xallinta khilaafaadka, waana xubnihii uu ku darsaday markii hore guddiga doorashada. Talaabadan ayuu Rooble qaaday kadib markii 15-kii bishan ay guddigu gudbiyeen Yaasiin Fareey oo uu isugu diidanaa.
Rooble ayaa u muuqda in uu ku guuldareystay inuu joojiyo xubinnimada Yaasiin Faarey taasi oo timid kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqqor oo keensaday Yaasiin uu si loo ansixiyo adeegsaday maamul goboleedyada, cadaadisna ku saaray in la meelmariyo, taasi oo natiijada noqotay in xubnihii maamul goboleedyada ugu jiray guddiga ay Yaasiin ogolaadaan, mana dhicin in go’aanka ka biyo-diideen xubnihii uu guddiga ku lahaa ra’siul wasaare Maxamed Rooble.




From the comments