Kaaliyaha xogheyaha arrimaha dibadda ee Afrika Molly Phee oo la hadashay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra’isul wasaare Maxamed Rooble iyada oo Farmaajo ku boorisay inuu la shaqeeyo Rooble halka raísul wasaarahana ay u sheegtay inuu dedejiyo doorashada, oo ah mid hufan.
Qoraal ay kusoo qortay xafiiska Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda ayey ku tiri” Maanta waxaan kala hadlay Maxamed Farmaajo baahida loo qabo in la joojiyo haddallada kulkul iyo tallaabooyinta hurinta, waxaan ku adkeeyey in ciidamada amnigu ahaadaan dhexdhexaad. Waxaanna ku booriyey inuu ku taageero Maxamed Rooble qabashada shirka wadatashiga iyo dhameystirka doorasho hufan”.
Dhanka kale, qoraal ay isla bartaas soo dhigtay waxaa ay ku sheegtay “ Waxaan shalay kala hadlay Maxamed Rooble sida aan u taageereyno dadaalladiisa ku aadan qabashada shirka madasha wadatashiga si loo saxo dhibaatooyinka doorashada, loona dhameystiro doorasho hufan oo degdeg ah. Waxaa waajib ah ku ah dhinacyada iney joojiyaan tallaabooyinka hurinta ah, waana in ciidamada ah dhexdhexaad ahaadaan”.




From the comments