Baraawe iyo Koonfur Galbeed: 13 Kursi oo la dooran doono
Guddiga doorashooyinka dadban ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay shaaciyeen doorashada iyo habraaca 13 kursi kuwaas oo kamid ah golaha shacabka Baarlamaaka 11-aad dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo maraya heer gabagabo ah, maadama xildhibaannadii ugu badnaa lagu soo doortay magaalada Baydhabo.
Doorashada kuraastaan ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose oo ah magaalada labaad ee loo asteeyey doorashada golaha shacabka ee xildhibaannada laga soo dooranaayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Guddiga ayaa waxaa uu shaaciyey in doorashada 13 kursi ay qabdoonto 8 bishaan aan ku jirno.
Halkaan Ka Akhriso habraaca
HOP#165: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow
HOP#044: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Safiya Xasan Nuur.
HOP#161: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Sayid Cali Cabdulqaadir Macalin.
HOP#152: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cabdullaahi Cumar Abshir.
HOP#016: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Aamina Sheekh Cismaan.
HOP#151: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Cali (Cabdalla).
HOP#153: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan AHUN Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Cali.
HOP#173: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Cismaan Xaaji Cali.
HOP#150: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Xasan Cismaan Xuseen (Xasan Qoryooley).
HOP#155: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Jawaahir Cadaawe Cabdi.
HOP#080: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa .
HOP#250: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Saciid Cabdullaahi.
HOP#160: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Nuur Siidow Baaba.
Goobjoog News