Waxaa dib u dhac uu ku yimid doorashada laba kursi oo maanta oo Axad ah lagu waday in lagu doorto magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad gobaleedka Hirshabeelle.
Kuraasta maanta lagu waday in Jowhar lagu doorto ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#70 iyo HOP#115, waxaana weli magaalada ka socota bixinta shahaadada musharixiinta kuraastaas.
Waxaa labadaan kursi horay ugu fadhiyay xildhibaanada kala ah Aadan Cali Xasan oo ku fadhiyay kursiga HOP#70 iyo xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo ku fadhiyay kursiga HOP#115.




From the comments