U bood dhigaalka

Akhriso: Natiijada Doorashada 7 Kursi Oo Lagu Doortay Baraawe

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baraawe ee xarunta maalmul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacday doorashada 7 kursi, kuwaas oo katirsan golaha shacabka Baarlamanka 11-aad ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#152 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdullaahi Axmed Abshirow, kaas oo 83 cod kaga guuleystay musharrax xildhibaan Axmed Xasan Geedi oo helay 16 cod .

May be an image of 4 people and people sitting

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#016 ayaa waxaa ku guuleystay xildhibaan Xuseen Cali Xaaji, kaas oo 81 kaga guuleystay musharrax xildhibaan Ismaaciil Xuseen Ahmed oo helay 10 cod .

May be an image of 4 people and people sitting

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#044 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Muryan Maxamed Cali, taas oo  73 cod kaga guulaysatay musharrax xildhibaan Faaduma Xasan Cumar oo heshay 10 cod .

4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#161 ayaa waxaa kusoo baxa xildhibaan Yuusuf  Maxamed Aadan, kaas oo 80 cod kaga guulaystay musharrax xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Faarax oo helay 7 cod.

May be an image of 3 people

5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#165 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow, kaas oo 70 kaga guuleystay musharrax xildhibaan Aadan Cismaan Xasan oo helay15 cod .

May be an image of 5 people, people sitting and outdoors

6: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#151 ayaa waxaa kusoo baxay musharrax xildhibaan Cabdullaahi Xuseen Cali, kaas oo 78 cod kaga guuleystay musharrax xildhibaan Maxamed Ali Ahed oo helay 15 cod .

7:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#153 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Farxiyo Maxamuud Cabdi oo 88 cod kaga adkaatay musharrax xildhibaan Anisa Maxamed Xasan oo heshay 12 cod .

Kuraastaan maanta lagu doortay magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaalliya ayaa waxaa ay qeyb ka ahaayeen 13 kursi, kuwaas oo doorashadooda la dhigay magalaada,  waxaana ay qeyb ka yihiin doorashada golaha shacabka xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee deegaan doorashadiidu tahay KGS.

Goobjoog News