U bood dhigaalka

Lix Kursi Oo Baraawe Lagu Dooranayo, Akhriso Yaa U Tartamaya?

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Baraawe ee xarunta maamulka koonfur galbeed ayaa maanta oo khamiis ah lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada 6 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta maanta doorashadooda la qabanayo ayaa kala ah HOP#080, HOP#250, HOP#160, HOP#150, HOP#155 iyo HOP#173.

Waxaa baarlamaankii dhamaaday ee 10-aad kuraastaan dadka reer koonfur galbeed ku matalayay xildhibaanada kala ah:-

HOP#080:  Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa.

HOP#150: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Xasan Cismaan Xuseen (Xasan Qoryooley).

HOP#160: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Nuur Siidow Baaba

HOP#155: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Jawaahir Cadaawe Cabdi.

HOP#173: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Cismaan Xaaji Cali

HOP#250: Waxaa afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay xildhibaan  Maxamed Saciid Cabdullaahi

Waaa kuraastaan maanta la dooranayo u tartamaya musharixiinta kala ah :-

HOP#080: Waxaa kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah Aweys Xuseen Macalin iyo Maxamed Cusmaan Jibriil.

HOP#150: Waxaa kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah Cabduqaadir Cabdiraxmaan Dhure iyo Maxamed Cali Cabdiraxmaan.

HOP#160: Waxaa kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah Maxamed Yuusuf Xasan iyo Cali Abuukar Maxamed.

HOP#155: Waxaa kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah  Jawaahir Cadaawe Cabdi iyo Maariya Maxamed Cabdiraxmaan.

HOP#173: Waxaa kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah Cabdifitaax Cabdulle Caraye iyo Abduwahaab Cali Axmed.

HOP#250: Waxaa kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah Cabdullaahi Maxamed Shariif iyo Cali Maxamed Sheekh.