Guudlaawe Oo Shirka Looga Hadlaya Amniga Kaga Qeyb Galay Baladweyne
Sheeko:Arrimaha Amniga
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa maanta waxaa ka dhacay kulan looga hadlaayey amniga guud ee magaalada iyo kan gobolka, waxaana kulanka shir-guddoomiyey madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo uu wehliyey madaxweyne ku xigeenka maamulka Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.
Shirka ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Taliyaha Qeybta 27-aad ee xoogga dalka, taliyeyaasha Nabad Sugidda, Haramcad iyo Gorgor ee ku sugan gobolka, inta badan diiradda lagu saaray xaqiijinta amniga guud ee magaalada oo dhowaan la filaayo in ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan Baarlamaanka 11-aad oo doorashoodu ay taallo magaalada Baladweyne.
Ciidamada AMISOM oo shirka qeyb ka ahaa ayaa madaxweynaha la wadaagay qorsha lagu xaqiijinayo amniga magaalada
waxaana Cali Guudlaawe uu faray saraakiisha hay’addaha amniga in todobaad gudihiis is badal amni oo sugan laga dareemo Magaalada Beledweyne, maadaama magaaladu dhowaan ay marti gelin doonto doorasha kuraas ka tirsan golaha shacabka.
Madaxweyne Cali Guudlaawe oo maalmihii tagay ku sugnaa magaalada ayaa waxaa uu waday shirar kala duwan uu la qaadanayey bulshada iyo waxgaradka magaalada oo horay kaga horyimid maamulka uu hoggaamiyo, waxaana sidoo kale uu la kulmay Korneyl Nuur Dheere oo ahaa sarkaal ka gadooday Hirshabeelle, kaasoo saldhigtay duleedka Baladweyne.
Goobjoog News