Waxaa maanta oo sabti ah magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad gobaleedka Galmudug lagu wadaa in lagu qabto doorashada laba kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.
Labada kursi ee maanta la dooranayo ayaa kala ah kuraasta tirsigoodu yahay HOP#025 iyo HOP#081, kuwaas oo ay isku diiwaan geliyeen musharixiin dhowr ah.
Waxaa baarlamaanka 10-aad ee waqtigiisu dhamaaday labaad kursi ku matalayay Galmudug xildhibaanada kala ah Naciima Maxamed Gacal oo ku fadhiysa kursiga HOP#025 iyo Maryan Cariif Qaasim oo ku fadhisay kursiga HOP#081.




From the comments