Yaa Ku Matalayay 13-kursi Ee Jadwalkooda La Shaaciyay Koonfur Galbeed Baarlamaankii 10-aad?
Sheeko:Baarlamaanka
Guddiga hirgelinta doorashooyina SEIT ee Koonfur galbeed ayaa shaaciyay jadwalka iyo habraaca doorashada 13 kursi oo ay horay u soo saareen liiskooda.
Kuraastaan ayaa lagu dooranaya magaalada Baraawe ee xarunta maamulka koonfur galbeed, waxaana tirsiga kuraastaan ay kala yihiin HOP#187, HOP#251, HOP#195, HOP#194, HOP#062, HOP#256, HOP#162, HOP#256 iyo kuwa kale .
Kuraastaan ayaa waxaa dadka reer koonfur galbeed afartii sano ee la soo dhaafay baarlamaanka tobonaad ugu fadhiyay xildhibaanada kala ah :-
- HOP#187: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Shariif Sheekhuna Maye.
- HOP#251: Waxaa ku fadhisay xildhibaanad Nuura Cayni Khaliif Sheekh Abuu.
- HOP#195: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar.
- HOP#194: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Xamsa Saciid Xamsa Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada & Cayaaraha XFS.
- HOP#062: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cali Yuusuf Cismaan.
- HOP#148: Waxaa ku fadhisay xildhibaanad Aamina Xasan Cali .
- HOP#162: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cali Sheekh Cabdullaahi.
- HOP#256: Waxaa ku fadhisay xildhibaanad Nadiifa Aadan Isaaq.
- HOP#045: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Axmed.
- HOP#057: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Axmed Cumar Islaw.
- HOP#143: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cali Sheekh Maxamed Nuur.
- HOP#163: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Isaaq Maxamed Maxamuud Aboow
- HOP#145: Waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey .