U bood dhigaalka

Siyaasiga Mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Ku Biiray Golaha Shacabka

Febraayo 14, 2022

Waxaa goordhow lagu doortay magaalada Dhuusamareeb, siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur isaga oo ka mid noqday xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Cabdiraxmaan ayaa matalaya beesha leh kursiga HOP#138, isaga oo heyn doona ilaa 2026-ka, oo ah marka ay ku egtahay muddo xileedka baarlamaanka 11-aad.

Cabdiraxmaan oo maamulka hadda jira ee Farmaajo uu waxyeeleeyey, ayaa ah sidoo kale musharax madaxweyne sanadkan 2022-ka.

Goobjoog News