Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta Talaada ah xukun dil ah ku ridday eedeysane Xasan Maxamuud Dhiblaawe oo loo heystay dilka wiil dhalinyaro bajaajle ah.
Dilka ayaa dhacay 17 August sanadkii 2019 waxaana uu xilligaasi eedeysanaha isaga baxsaday goobtii uu dilka ka geeystay, waalidiinta marxuumka la dilay ayaa garsoorka ka dalbaday in cadaalad ay u helaan wiilkooda Maxamed Cawil Jaamac oo ahaa wade moota bajaaj.
September isla sanadkii 2019 ayeey maxkamadda ciidamada qalabka sida ay jartay waaran lagu soo qabanayo eedeysane Xasan Maxamuud Dhiblaawe.




From the comments