U bood dhigaalka

Guddomiye Baarlamaan Oo Qaatay Shahaadada Tartanka Kursi Golaha Shacabka Ah

Febraayo 15, 2022

Gudiga hergalinta doorashooyinka  SEIT ee Kunfur galbeed ayaa bilaabay  bixinta shahadooyiinka 13 kursi oo lagu dooranayo magalada barawe ee xaruunta dowlad goboleedka Kunfur galbeed .

Kuraasta shahaadadooda la bixinayo ayaa waxaa ay kala yihiin HOP#187, HOP#195, HOP#194, HOP#145, HOP#256, HOP#045, HOP#251, HOP#143, HOP#163, HOP#057, HOP#162, HOP#062  iyo HOP#148.

Shaqsiyaadka illa iyo hadda la siiyay shahaadooyinka ayaa waxaa kamid ah Cali Saciid Faqi oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo u tartamaya kuriga HOP#187.

Guddiga ayaa 11 bishaan shaaciyay jadwalka doorashada kuraastaan oo lagu wado in maalinta beri ah lagu doorto magaalada Baraawe ee xarunta dowlad gobaleedka Koonfur galbeed.

Goobjoog News