Rooble Oo Beesha Caalamka Kala Shiray Doorashada
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta wxaa uu magalaada Muqdisho kulan kula yeeshay wakiillada Beesha Caalamka, kaas oo diiradda lagu saaray dhammeystirka doorashooyinka .
Maxamed Xuseen Rooble ayaa u sheegay wakiillada Beesha Caalamka in ay ka go’an tahay in doorashadu ku soo idlaato xilligii loo qorsheeyay oo ah 25-ka bishaan 2022 iyo in aan cidna lagu xad gudbin oo doorashadu ay ahaato mid daahfuran.
Mar uu ka hadlayay qoontada haweenka ee Golaha Shaacabka ayuu Ra’iisul wasaaruhu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo qoontada haweenka ee 30%, taas oo hadda gaarsiisan 21%, doorashadii Baarlamaankii 10-aad.
Ra’iisul Wasaaraha Rooble ayaa mar kale ku celiyay in aan la aqbali doonin in ciidammada amnigu ku milmaan arrimaha doorashada ama loo adeegsado in dad gaar ah kuraas loogu boobo, waxa uuna ku boorriyay in ay ekaadaan kaalintooda.
Goobjoog News