Waxaa maanta oo arbaca ah magaalada Dhuusamareeb lagu qabtay doorashada hal kursi oo kamid ah kuraasta baaralamaanka aqalka sare.
Kursigaan oo noqonaya midkii ugu dambeyay ee kuraasta aqalka sare ayaa waxaa u tartamay musharixiinta kala ah Farxaan Cali Maxamuud iyo Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed.
Doorashada oo ka dhacday hoolka weyn ee baarlamaanka dowlad gobaleedka Galmudug ayaa waxaa goobjoog ahaa 80 mudane oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Galmudug.




From the comments