Goobjoog

Galmudug: Kursi Ka Tirsan Aqalka Sare Oo Maanta La Dooranayo

Waxaa maanta oo Arbaca magaalada Dhuusamareeb lagu dooranayaa hal kursi oo kamid ah kuraasta aqalka sare ee baarlamaanka dalka. Kursigaan ayaa waxaa uu yahay kursiga keliya ee ka harsan kuraasta…

Galmudug: Kursi Ka Tirsan Aqalka Sare Oo Maanta La Dooranayo

Waxaa maanta oo Arbaca magaalada Dhuusamareeb lagu dooranayaa hal kursi oo kamid ah kuraasta aqalka sare ee baarlamaanka dalka.

Kursigaan ayaa waxaa uu yahay kursiga keliya ee ka harsan kuraasta Aqalka sare, kadib markii uu iska casilay Xildhibaan Dhageey oo hadda kamid noqday xildhibaanada golaha shacabka.

Waxaa kursigaan ku tartamaya musharixiinta  Farxaan Cali Maxamuud iyo  Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed, waxaana maanta lagu dooranaya magaalada Dhuusamareeb.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments