6 Kursi Oo Baraawe Lagu Dooranayo, AKhriso Yaa U Tartamaya?
Waxaa maanta oo khamiis ah magaalada Baraawe ee caasimadda dowlad gobaleedka Koonfur galbeed lagu qabanaya doorashada lix kamid ah kuraasta golaha shacabka.
Kuraasta maanta la dooranayo ayaa kala ah HOP#057, HOP#062, HOP#187,HOP#194, HOP#195 iyo HOP#251.
Waxaa kuraastaan baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanada kala ah:-
HOP#062: Cali Yuusuf Cismaan.
HOP#195: Maxamed Nuuraani Bakar.
HOP#251: Nuura Cayni Khaliif Sheekh Abuu.
HOP#187: Shariif Sheekhuna Maye.
HOP#194: Xamsa Saciid Xamsa
HOP#057: Axmed Cumar Islaw.
Waxaa maanta u tartamaya musharixiinta kala ah :
HOP#062: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Aweys Maxamed Cumar iyo Abuukar Maxamed Cumar.
HOP#195: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Nuur Cali Nuur iyo Maxamed Xasan Maxamed.
HOP#251: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Faadumo Abuukar Sheekh iyo Nuuraceyn Khaliif Sheekhabe.
HOP#187: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Cali Saciid Faqi iyo Nuur Cumar Aadan.
HOP#194: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Xamsa Saciid Xamsa iyo Qasali Faqi Abuu.
HOP#057: Waxaa u tartamaya musharixiinta kala ah Mukhtaar Axmed Xasan iyo Iidle Ibraahim Nuur.
Goobjoog News