IMF ayaa sheegtay in barnaamijyadeeda Taageridda ciidamada, Deyn cafinta iyo Taagerada ay siiso dowladda Soomaaliya halis ugu jiraan in la joojiyo marka la gaaro bisha May haddii aanay doorashada dhamaan.
Madaxa hay’adda lacagta adduunka IMF ee Laura Jaramillo ayaa sheegtay in ay qasab tahay in la helo dowlad cusub si ay u socdaan howlaha deyn cafinta iyo taageerada IMF ee dowladda Soomaaliya.
“Miisaaniyadda Soomaaliya waxa ay gaareysa $400 Milyan oo doollar, ayaa sidoo kale qayb ka ah heshiiska lagu dhimayo deymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo ka badan 5 bilyan ilaa $10 Bilyan oo dollar, 17May waxaa si toos ah u istaagaya barnaamijkan haddii aysan jirin dowlad cusub”, ayeey tiri Laura Jaramillo, oo ah madaxa IMF ee Soomaaliya.




From the comments