U bood dhigaalka

Doorashada Golaha Shacabka Somaliland Oo La Soo Gabagabeeyay

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho lagu doortay 3-dii kursi ee ugu dambaysay ee golaha shacabka gobollada Waqooyi ee Somaliland, kuwaas oo kamid noqonaya Baarlamaanka 11-aad.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#243 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Samsam Maxamed Cumar, kadib markii 98 cod oo gagantaag ah ay ku guulaysatay, waxaa kursiga tantankiisa ka tabaasushay musharrax Daleys Cali Ibraahim.

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#206 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Ibraahim Cabdi, kaas 100 cod ku guulaystay kadib markii tartanka kursiga ay ka tanaasushay musharrax Maryama Ibraahim Cabdi.

3: Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#259, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay Somaliland.

Iidaan ayaa horay afartii sano ee la soo dhaafay kursigaan ugu fadhiyay, waxaana markale uu kamid noqonaya baarlamaanka.

Waxaa guud ahaan la soo gabagabeeyay 46-kursi ee golaha shacabka ay ku lahaayeen gobalada waqooyi ee dalka Somaliland.

Somaliland oo aheyd maamulkii ugu horeyay ee bilaaba doorashada golaha shacabka ayaa sidoo kale noqotay maamulkii ugu horeeyay ee soo dhameystira xildhibaanadiisa golaha shacabka.

Goobjoog News