U bood dhigaalka

Galmudug Oo Shaacisay Jadwalka Doorashada 3 Kursi

Febraayo 23, 2022

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka iyo habraaca doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.

Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah HOP#078, HOP#012 iyo HOP#137, kuwaas oo la sheegay in la dooranayo 25-ka bishaan febraayo.

Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay liiska odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka soo dooraneyso xildhibaanada saddexda kursi.

Kuraastaan waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :-

HOP#048: Cabdullaahi Gaafow Maxamuud

HOP#012: Yuusuf Xayle Jimcaale

HOP#137: Saadiq Cabdikarim Xaaji Ibraahim