Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee dowlad gobaleedka Galmudug ayaa shaaciyay Jadwalka iyo habraaca doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka.
Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah HOP#078, HOP#012 iyo HOP#137, kuwaas oo la sheegay in la dooranayo 25-ka bishaan febraayo.
Guddiga ayaa sidoo kale shaaciyay liiska odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka soo dooraneyso xildhibaanada saddexda kursi.





From the comments