U bood dhigaalka

Warbixin: Hooyo Dishay Gabadheeda

Hooyo ku dhaqan magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa gabar yar ay dhashay waxaa ay ku dishay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, taas oo la sheegay in ay 9 sano jir aheyd waxaana kasoo baxaya warar kala duwan sida dilku u dhacay.

Hooyada ayaa la sheegay in gabadheeda ay dishay maalinimadii khamiista ah, waxaana la ogaaday malibtii Jimcadaha sida ay xaqiijiyeen dadka dariska ah, waxaana gabadha jirkeeda ka muuqday sidoo kale jirdil loo geystay dhimashadeeda ka hor.

Hooyo Madiino oo ah hooyada  marxuumadda dhimatay Aabaheed ayaa ka warbixisay sida uu u dhacay dilka gabadha yar oo ayeeyada ay u aheyd, waxaana ay sheegtay 24 saac ka badan meydkeeda uu ku jiray sariir hoosteed ay ku qarisay hooyada.

“Shalay subax afar saac ayey isoo wacday, waxaana ay igu tiri Rami waa ay dhimatay, maxaa ku dhacay ayaan iri?. waxaa ay tiri Shuban iyo Matag ayaa kusoo booday saakay ayaan qaaday xalay maqaadin oo waan cabsaday, waxaan ku iri meydka soo qaad, aniga iyo qaraabada sidaan u sugaynay waxaa ay tiri maydkii waa la ii iidiiday oo Isbitaalka ayaa diiday” ayey tiri.

Ayeeyada oo sii hadlaysa ayaa yir” Gabadha waxaa jirkeeda lagu arkay jirdil fara badan, cabaar markii aan joognay saldhigga Hodan ayaa la igasoo wacay oo waxaa la igu dhahay gabadhaas ma taqaanaa gabdhaas waa xiran tahay ee saldhigga imow ayaa la igu yiri, markii aan tagay waxaa la igu dhahay CID-da ayaa loo gudbinaa, gabdhii xalay 12:00 xalay ayaan aasnay”

“Cunugta caloolxumo badan ayaan ku arkay, maamada dhaqaysay ayaan kaalmaynaayey qofka gadgadinaayey ayaan ahaa meel kasta oo jirkeeda ah waxaa ku taalay ul diira ayaa ka dhacaayey, gabadha markii Caloosha laga dhaqaayey waxaa ka yimid wax aad moodo Mindhicir burbursan, jirkeeda jirdil xun ayaa ku yaalay, ayey tiri Nimcaan oo wax ka dhaqaysay.

Gabadhaan ayaa waxaa lagu dilay degmada Wadajir, waxaana maamadii dhashay ee ay sababsatay gacanteeda ay ku xiran tahay saldhigga degmada Hodan, waxaana gabadha lagu dlay ceejo iyo sidoo kale jirdil xoogan oo loo geystay sida ay ku wareemeen dadkii wax ka dhaqay meydka marxuumadda dhimatay oo lagu magacaabi jiray Rasmi oo 9 sano jir aheyd.

Goobjoog News