Akhriso Natiijada Lix Kuri Oo Baladweyne Lagu Doortay
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta lagu doortay lix kursi, kuwaas oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya oo deegaan doorashadoodu tahay Hiiraan.
1:Kursiga tirsdigiisu yahay HOP#032 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Khafiil Cabdi Cumar, kaas oo 81 cod uu kaga guulaystay Axmed musharrax Cumar Gureey oo helay 10, waxaana galaabay 7 cod sida uu shaaciyey guddiga doorashada.
2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#068 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow, waxaana uu kusoo baxay codad gacantaag ah, kadib markii tartanka ka tanaasulay musharraxii kula tartamaayey kursiga tirsiga Mucalimow.
3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#022 ayaa waxaa ku guulaystay xildhibaan Cismaan Maxamed Cabdi Daalo oo horay ugu fadhiyey Baarlamanakii10-aad, kadib markii ay tanaasushay Faadumo Maxamed Cabdulle , waxaa loo qaaday gacantaag.
4:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#003 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdiraxmaan Maxammuud Beena Beene, kaas oo horay ugu fadhiyey kursiga, kadib markii uu tanaasulay Aadan Qaasim Maxamuud, waxaana loo qaday cod gacan taag ah.
5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#006 waxaana kusoo baxay xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Axmad oo Baarlamaankii hore ku fadhiyey kursiga, kadib markii uu tanaasulay musharraxii la tartamayey, waxaana uu kusoo baxay cod gacantaag ah.
6:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#252 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdikariim Cabdow Xeydar, kadib markii tartanka uu ka tanaasulay musharraxii kale waxaana loo qaaday cod gacantaag ah, waxaana ku fadhiyey kursiga Baarlamaankii hore.
Goobjoog News