Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Banaadiriga 11-aad kusoo baxay ee Beelaha Banaadiriga, oo dhowaan la doortay.
Casho sharafta ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddigii qabtay doorashada, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa warbixinno ka dhageystay Guddiyada uu la kulmay hannaanka ay u socdaan doorashooyinka dalka, kuna bogaadiyey inay dardargaliyaan.
Xildhibaannada Banaadiriga ayaa maalinmadii Jimha waxaa lagu doorta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana xidhibaannada la doortay ay Beelaha Banaadiriga ku matali doonaan Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuriyadda federalka ah.




From the comments