Rooble Oo Guddi U Magacaabay Arrinta Gedo
Sheeko:Baarlamaanka
Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi qiimayn iyo baaris ku sameeya xaaladda amni ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.
Guddigaan ayaa ka kooban todaba xubnood waxaana lagu magacaabay wareegto ka soo baxday xafiiska ra’iisulwaaraha dalka Maxamed Rooble.
Magacaabista guddigaan ayaa ku soo aadday xilli weli khilaaf uu ka dhex taagan yahay maamulka Jubbaland iyo maamulka gobalka Gedo.
Garbahaarreey ayaa waxaa taalla 16 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.