Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha madaxweynaha iyo wadigiisa.
Wasiirro, xildhibaanno ka tirsan maamulka goboleed Galmudug , xildhibaanno ka tirsan federalka, maamulka degmada Gaalkacyo, midka ggobolka Mudug iyo qeybaha bulshada ayaa qeyb ka ahaa soo dhoweynta waddiga gaaray magaalada.
Safarka madaxweyne Qoorqoor ee magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu ku wajahan yahay kulamo uu la qaadan doono waxgaradka iyo bulshada Gaalkacyo ee ku aadan doorashada golaha shacabka oo ay tahay deegaan doorashada Labaad.




From the comments