Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Shaaciyey Musharraxiinta Kuraasta Taalla Boosaaso
Guddiga doorashooyinka dadban ee dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta shaaciyey musharraxiinta u tartamaysa 16 kursi oo tirsan golaha shacabka BJFS , kuwaas doorashadoodu ay ka dhici doonto magaalada Boosaso ee xarunta gobolka Bari oo ah deegaan doorashada labaada ee xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad, waxaana la qabanayaa maalinta barri ah.
Kuraasta barri lagu dooranayo magaalada Boosaaso ayaa waxaa tirsigoodu kala yihiin, HOP#142, HOP#190, HOP#220, HOP#027, HOP#222, HOP#149, HOP#036, HOP#169, HOP#083, HOP#158, HOP#227, HOP#076, HOP#234, HOP#228, HOP#157 iyo HOP#273, waxaana deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#142 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Maxamuud Xayir Ibraahim , waxaana ku tartamaya labada Musharrax ee kala ah Ismaaciil Shire Jaamac Cali iyo Siciid Maxamuud Maxamed.
2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#190 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka FJS ku fadhiyey Cabdinaasir Siciid Muuse, waxaana kutartamaya Musharraxiinta kala ah Maxamed Cabdulqaadir Maxamed iyo Fatxi Cali Saalax Maxamuud.
3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#220 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Cabdirashiid Maxamuud Xasan, waxaana ku tartamaya Murraxiinta kala ah Cali Xaaji Daahir Saleebaan iyo Axmed Burhaan Cumar.
4:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#027 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyeuy Siciid Xuseen Ciid, waxaana ku tartamaya Musharraxiinta kala ah Siciid Cali Muuse iyo Cabdulqaadir Jaamac Cabdi.
5: Kursiga tirsigiisy ayhay HOP#222 waaxaa Baarlamaankii10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Cumar Ismaaciil Waaberi, waxaana ku tartami doona Murraxiinta kala ah Caynaanshe Yuusuf Xuseen iyo Roodo Yaasiin Yuusuf Siciid.
6: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#149 waxaa Baarlamaankii10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Axmed Ismaaciil Maxamed, waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Faysal Axmed Maxamuud iyo Faaisa Cabdixakiim Maxamed.
7:Kursiga tirsiggiisu yahay HOP#036 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Maxamed Aadan Diini iyo Faaisa Jaamac Muuse Ismaaciil.
8: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#169 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Jamaal Maxamed Xasan, waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Cali Mahdi Maxamed Cali iyo Musharrax Xafsa Cali Axmed.
9:Kursiga tirsiggiisu yahay HOP#083 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey,Cabdullaahi Bile Nuur, waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Maxamed Bashiir Cali iyo Aamina Maxamed Ciise.
10: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#158 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Cilmi Cumar Cilmi (Caysane), waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Saadaam Maxamuud Cabdi iyo Muna Maxamuud Dalmar.
11: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#227 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Cabdicasiis Maxamed Maxamuud, waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Maxamed Bashiir Cali iyo Aamina Maxamed Ciise.
12: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#076 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Muuse Axmed Ismaaciil,waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Muuse Axmed Ismaacii iyo Faaduma Ibraahim Ismaaciil.
13: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#234 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhisay Deeqa Siciid Xasan, waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Cabdibashiir Xaaji Cali iyo Musharrax Aamina Cabdiweli Maxamed,
14: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#228 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Maxamuud Axmed Ciise Maas,waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Cabdullaahi Faarax Mire iyo Xamdi Cabdullaahi Maxamed.
15: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#157 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Maxamed Cabdullaahi Faarax, waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Maxamuud Axmed Aadan iyo Iidle Cali Axmed.
16: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#273 waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Cabdi Maxamuud Maxamed (Afdhuub), waxaana ku tartami doona Musharraxiinta kala ah Bashiir Cabdi Maxamed iyo Sahra Maxamed Cali.
Goobjoog News