Guddiga dhowaan Ra,iisalwasaare Roole u magacaabay qiimaynta deegaan doorashada Labaad ee dowlad goboleedka Jubbland ee degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo ayaa Kismaayo ka bilaabay kulamo ay la yeelanayaan bulshada iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Gedo oo ah deegaan doorashada labaad ee golaha shacabka.
Guddiga ayaa kulan waxaa ay la qaateen waxgaradka kasoo jeeda gobolka Gedo, iyaga oo iska xog wareystay caqabadaha hortaagan in doorasho ay ka dhacdo gobolka Gedo, iyaga oo sidoo kale kulan la qaatay madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Maxamuud sayid Aadan iyo xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Jubbaland.
Guddigaan loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan suulgalnimada sida doorashada 16 kursi uga dhici karto Garbahaarrey ee maamulka Jubbaland ayaa inta ay kusugan yihiin magaalada in ay siiwadaan qiimayntooda ku aadan waxa loo xilsaaray, waxaana la filayaa in Ra,iisalwasaaraha ay kusoo celiyaan warbixin buuxda




From the comments