Akhriso: Natiijada Doorashada Boosaaso
Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa maanta lagu doortay 16 kursi, kuwaas oo katirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad oo horay guddiga ay u shaaciyeen doorashadooda.
1: Kursiga tirsigiisa HOP#157 waxa kusoo baxay xildhibaan Maxamuud Axmed Aadan Geesood, kadib markii uu tanaasulay musharraxii kula tartamay musharrax Iidle Cali Axmed, kursigaan ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Maxamed Cabdullaahi Faarax oo Puntland afartii sano ee la soo dhaafay ku matalayey BJFS.
2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#227 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Maxamuud Qambi, kadib markii ay ka tanaasushay Aamina Maxamed Ciise, waxaa Baarlamaankii 10-aad a ku fadhiyey Cabdicasiis Maxamed Maxamuud, waxaana uuna kamid yahay xildhibaanada dib ugu soo laabtay kuraastooda.
3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#273 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Bashiir Cabdi Maxamed(Americo) waxaa tanaasushay musharrax Sahra Maxamed Maxamuud, kursiga waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Cabdi Maxamuud Maxamed (Afdhuub).
4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#234 waxaa kusoo baxday xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir, kadib ay ka tanaasushay musharraxii labaad ee kursiga Aamina Cabdiwali Maxamed, waxaana ay kusoo baxaday cod gacantaag ah oo dhan 101 cod. waxaa kursigaan Baarlamaankii 10-aad ku fadhisay Deeqa Siciid Xasan.
5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#169 waxaa kusoo baxay xildhibaan Mahdi Cali Maxamed,kadib markii kursiga ay ka tanaasushay musharrax Xafsa Cali Axmed. waxaana uu kusoo baxay 97 cod oo gacantaag ah, kursigaan ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey wasiirka qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan.
6: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#083 waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Bashiir Cali, kadib markii ay tartanka ay ka tanaasushay musharrax Aamina Maxamed Ciise, waxaana uu kusoo baxay codad gacantaag ah oo dhan 95 cod, kursigaan waxaa uu kusoo baxay 100 cod oo gacantaaga ah waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Cabdullaahi Bile Nuur.
7: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#076 waxaa kusoo baxay Muuse axmed Ismaaciil oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kadib markii uu tanaasulay musharrax Siciid Maxamuud Maxamed, waxaana uu ku guulaystay codad gacantaaga ah oo dhan 101 cod, kursigaan waxaana waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey Maxamuud Xayir Ibraahim.
8:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#158 waxaa kusoo baxay xildhibaan Saadaam Maxamed Cabdi , waxaana kula tartamay musharrax Muna Maxamuud Dalmar, waxaa uu kusoo baxay codad gacantaag ah oo gaaray 100 cod, waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Cilmi Cumar Cilmi (Caysane).
9: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#149 waxaa kusoo baxay xildhibaan Faysal Axmed Wahaabi, kadib markii ay ka tanaasushay kursiga musharrax Faaisa Cabdixakiim Maxamed, oo ahayd musharraxa, waxaana uu kusoo baxay codad gacantaag oo 101 cod ah, kursigaan waxaa labaad Baarlamaankii10-aad ku fadhiyey Axmed Ismaaciil Maxamed.
10:Kursiga tirsigiiasu yahay HOP#027 waxaa kusoo baxay xildhibaan Siciid Cali Muuse, kadib markii tartanka uu ka tanaasulay musharrax Cabdulqaadir Jaamac Cabdi, , waxaana uu kusoo baxay codad gacan taag ah oo gaaraya 98 cod, waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka ku fadhiyeuy Siciid Xuseen Ciid,
11:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#220 waxaa kusoo baxay xildhibaan Cali Xaaji Daahir Saleebaan, kadib markii uu tartanka ka tanaasulay Axmed Burhaan Cumar, waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyeuy Siciid Xuseen Ciid, waxaana uu ku guulaystay codad gacantaag ah oo gaaraya 98 cod.
12: HOP#036 waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Aadan Diini, kadib markii tartanka kuraiga ay ka tanaasushay musharrax Faaisa Jaamac Muuse, waxaa, waxaana uu kusoo baxay cod gacantaag ah oo 99 cod ah, kursigaan Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo afartiisano ee tagtay ku matalayey BJFS.
13: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#0142 waxaa kusoo baxay xildhibaan Ismaaciil Shire Jaamac,waxaana kula tartamayey musharrax Siciid Maxamuud Maxamed, kursigaan waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Maxamuud Xayir Ibraahim ,kaas oo afartiisano ku matalaayey golaha shacabka.
14: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#228 ayaa kusoo baxay xildhibaan Cabdulaahi Faarax Mire, waxaana kula tartamaysay musharrax Xamdi Cabdullaahi Maxamed, waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Maxamuud Axmed Ciise.
15:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#222 waxaa kusoo baxay xildhibaan Caynaanshe Yusuf Xuseen, waxaa kula tartamaysay musharrax Xamdi Cabdullaahi Maxamed, waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka JFS ku fadhiyey Maxamuud Axmed Ciise, kaas oo afartiisano ku matalaayey.
16: Kursigiisu yahay 190 waxaa kusoo baxay xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir Maxamed, waxaana kula tartamay Siciid Maxamuud Maxamed, kursigaan waxaa Baarlamaankii 10-aad ee golaha shacabka FJS ku fadhiyey Cabdinaasir Siciid Muuse,
Goobjoog News