Shil geystay khasaare igu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaartay Askar ka tirsan ciidamada Madaxtooyada dowlad ayaa maanta waxaa uu ka dhacay duleedka magalada Garowe ee gobolka Nugaal , waxaana kasoo baxaya warar kale duwan.
Askarta oo kasoo laabatay magalada Boosaaso ayaa kusoo wajahnaa Garowe ee xarunta maamulka Punland, waxaa ay shilka ku galeen inta u dhaxaysa deegaan Daangoronyo iyo Libaaxo oo ka tirsan Nugaal, kadib markii uu rogmaday gaarigoodii.
Inta la xaqiijiyey 7 askari ayaa ku geeriyootay shilka dhacay, waxaana afar kamid ah ay ku geeriyoodeen goobta uu shilka ka dhacay halka 3 kamid ah ay ku geeriyoodeen Isbitaalka oo dhaawac lagu geeyey, waxaana uu dhaawac soo gaaray 5 kale.




From the comments