Maamulka degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo, taas oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay baaq u direen shirkkada diyaarada, iyaga uga digay iney soo qaadaan guddigii dhowaan uu magacaabay Rooble.
Maalmulka oo shir-jaraa’id ku qabtay garoonka diyaarada degmada, ayaa sheegay in aan loo soo qaadi karin guddiga qiimaynta amniga Garbahaarrey, kaas oo dhowaan la filaayey in maalmaha soo aaday ay guddigu u ambobaxaan degmada.
Guddoomiyaha ku-xigeenka degmada Aadan Siraad Maxamuud iyo guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ayaa si wadajir ah u sheegay in shirkaddii ka dhago-adeygta ee keenta guddiga ay maamulku tallaabo sharci ah ka qaadi doonaan.




From the comments