U bood dhigaalka

Akhriso: Yaa U Tartamaya Kuraasta Baydhabo Lagu Dooranayo?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa maanta oo Arbaco ah magaalada Baydhabo lagu qabanaya doorashada 6 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Koonfur galbeed.

Kuraasta maanta la dooranayo ayaa kala HOP#077, HOP#099, HOP#167, HOP#168, HOP#186 & HOP#261,  kuwaas oo musharixiinta u tartamaysa ay shalay qaateen shahaadooyinka musharaxnimada.

Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay kuraastaan xildhibaanada kala ah :-

HOP#077:  Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan  Isgoowe Deeqow Isaaq

HOP#099: Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan  Deeqa Xuseen Xasan

HOP#167: Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan   Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen

HOP#168: Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan  Xasan Macalin Xuseen

HOP#186: Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale

HOP#261: Waxaa ku fadhiyay kursigaan xildhibaan  Cabdulqaadir Shariif Xasan Sheekh Aadan

Waxaa hadda kuraastaan u tartamaya musharixiinta kala ah :-

HOP#077:  Waxaa hadda kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah Cabdinaasir Cali Xasan iyo Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan.

HOP#099: Waxaa hadda kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah  Axmed Madoobe Nuunow iyo Cabdinaasir Ibraahim Aadan.

HOP#167: Waxaa hadda kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah  Cabdisalaan Cali Cabdi iyo Cabdi Maxamuud Maxamed .

HOP#168: Waxaa hadda kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah  Luul Ibraahim Cumar iyo Nasteexa Axmed Nuur.

HOP#186: Waxaa hadda kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah Cabdulqaadir Cumar Macalin iyo Cabdulqaadir Aadan Maxamed.

HOP#261: Waxaa hadda kursigaan u tartamaya musharixiinta kala ah Saalax Shariif Sayid Cali iyo Ismaaciil Shariif Cali.

Goobjoog News