Xaalad kacsanaan ah iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa maanta laga dareemayaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, Halkaas oo uu ku sugan yahay madaxweynaha dowlad goboleed Galmudug Qoorqoor oo dhowaan halaas haaray.
Magaalada ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana dad goobjoogayaal ah ay inoo xaqiijiyeen inay magaalada soo galeen ciidamo maleeshiyo ah oo u abaabulan hab beeleed, kuwaaas oo wata gadiidka dagaalka nuucyadiisa kala duwan.
Maleeshiyaadkaan ayaa kasoo horjeeda qaabka loo wajahayo kursiga tirsigiisu yahay HOP# 95 oo sanadihii danbe uu ku fadhiyay Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac) waxaana ka dhashay xiisad keentay in ciidamo badan lagu arko Gaalkacyo.




From the comments