Koonfur Galbeed Oo Soo Gabagabeynaysa Doorashada Kuraasteeda Golaha Shacabka
Waxaa maanta oo Talaada ah magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeynaya doorashada golaha shacabka ee dowlad gobaleedka Koonfur galbeed.
Todoba kursi oo ah kuwii ugu dambeyay ee baarlamaanka ka soo gala dhanka Koonfur galbeed ayaa maanta lagu dooranaya magaalada Baydhabo, kuraastaan ayaana kala ah HOP#047, HOP#164, HOP#172, HOP#179, HOP#181, HOP#197 iyo HOP#204.
Kuraastaan ayaa waxaa u tartamaya musahrixiin dhowr ah waxaana lagu wadaa in Koonfur galbeed uu noqdo dowlad gobalkii ugu horeyay ee soo dhameeya doorashada iyo sidoo kale maamulkii saddexaad ee soo dhameeya doorashada kadib maamulka gobalada Waqooyi iyo Banaadiriga.
Baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisu dhamaaday waxaa kuraastaan ku fadhiyay xildhibaanada kala ah :-
1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#204 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Macallin Cali Aadan.
2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#197 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Cabdifitaax Maxamed Ibraahim.
3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#179 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed Garweyne .
4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#181waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maryan Macalin Isaaq .
5: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#172 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Cali Caddow Maxamed.
6: Kursiga tirsigiisu ayahay HOP#047 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade.
7: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#164 waxaa ku fadhiyay baarlamaankii 10-aad xildhibaan Maxamed Isaaq Cismaan Fanax.
Koonfur galbeed waa maamulka ugu badan ee golaha shacabka xildhibaano ku leh, waxaana sidoo kale yahay dowlad gobaleedkii ugu horeyay ee doorashada waqtigeeda ku soo dhameeya.
Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 15 March ayaa loo asteeyay in guud ahaan lagu soo gabagabeeyo doroshada golaha shacabka.
Goobjoog News