Goobjoog

Puntland: Jadwalka Doorashada Kuraastii U Dambaysay Oo La Shaaciyay

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Puntland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kuraas ka tirsan golaha shacabka oo deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Garowe. Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah HOP#073, HOP#191,…

Puntland: Jadwalka Doorashada Kuraastii U Dambaysay Oo La Shaaciyay

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT ee Puntland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada kuraas ka tirsan golaha shacabka oo deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Garowe.

Kuraasta la shaaciyay ayaa kala ah HOP#073, HOP#191, HOP#198, HOP#199, HOP#129 iyo HOP#221, kuwaas oo dhawaan lagu dooranayo magaalada Garowe.

Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay kuraastaan xildhibaanada kala ah :-

HOP#073: Cali Axmed Jaamac Jangali

HOP#191: Daahir Maxamuud Muuse

HOP#198: Saleebaan Maxamuud Xaashi

HOP#199: Xaawo Yuusuf Axmed

HOP#129: Sacdiya Yaasin Xaaji (Samatar)

HOP#221: Daa’uud Maxamed Cumar

Kuraastaan ayaa ah kuwa ugu dambeya maamulka Puntland waxaana doorashadooda la qabanayaa18-ka bishaan maarso.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments