Maamulada Galmudug iyo Koonfur galbeed ayaa ka horyimid qoraal dhawaan ka soo baxay guddiga doorashooyinka FEIT, kuwaas oo shaaciyay jadwal cusub oo lagu soo dhameynayo howlaha doorashooyinka labada aqalka.
Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Koonfur galbeed ayaa ku tilmaamay qoraalka guddiga FEIT in uu yahay mid sharci darro ah oo aan loo marin wadaadii loogu tala galay.
Koonfur galbeed ayaa sheegtay in xafiiska ra’iisulwasaaraha iyo guddiga doorashooyinka heer federaal aysan wax shaqo sharciga waafaqsan aysan ku laheyn u yeerista xildhibabaanada la doortay, taas badalkeed Koonfur galbeed ay keliya aqbaleyso jadwal ay ku heshiiyaan golaha wadatashiga qaranka.






From the comments