Midowga Musharraxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federal Muuse Geelle Yuusuf, waxaana kulanka ku wehlinaayey xubno ka tirsan guddiga, iyaga oo kawada hadlay arrimo dhowr ah.
Kulanka ayaa intii socday ayaa waxaa labada dhinac ay isku soo qaadeen dedejinta doorashooyinka iyo dhaqan gelinta jawalkii dhwaan uu guddigu soo saaray ee dhammeystirka doorashooyinka, waxaana goluhu ay sheegeen in aad looga fogaado inuu dhaco firaaq Dastuuri ah.
Kulanka ayaa waxaa xubnihii joogay ee Midowga qeyb ka ahaa madaxweynayaashii hore ee dalka soo maray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.




From the comments