Jubbaland: Doorashadii Garbahaarreey Oo Loo Wareejiyay Ceel-waaq
Magaalada Ceel-waaq ee gobalka Gedo ayaa waxaa loo soo wareejiyay doorashada 16-ka kursi ee deegaan doorashadoodu ay aheyd magaalada Garbahaarreey.
Ceel-waaq ayaa laga hirgeliyay teendhooyin loogu talagalay in ay ka dhacdo todobaadka soo socda doorashada 16-kursi oo ku dhiman kuraasta golaha shacabka ee Jubbaland.
Kuraasta lagu dooranayo Ceel-waaq ayaa kala ah HOP#065, HOP#078, HOP#087, HOP#090, HOP#091, HOP#100, HOP#102, HOP#110, HOP#116, HOP#117, HOP#119, HOP#122, HOP#123, HOP#125, HOP#131 iyo HOP#216.
Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay kuraastaan xildhibaanada kala ah :-
HOP#065: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Jibriil Cabdirishiid Xaaji.
HOP#078: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Sacdiya Muuse Cabdullaahi.
HOP#087: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Cali Xuseen.
HOP#090: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Aadam Macallim.
HOP#091: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Aadam Isaaq Cali.
HOP#100: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdulcaziz Cabdullaahi Yuusuf (Dh.qol).
HOP#102: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cismaan Libaax Ibraahim.
HOP#110: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Sagal Cabdirisaaq Biixi.
HOP#116: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdulqadir Aadan Nuur.
HOP#117: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Haashim Nuur Aadan.
HOP#119: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji.
HOP#122: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdullaahi Yuusuf Xasan (Alankey).
HOP#123: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Maxamuud Cali Magan.
HOP#125: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Daleys Xasan Aadan.
HOP#131: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Axmed Cismaan Ibraahim.
HOP#216: Kursigaan waxaa ku fadhiyay xildhibaan Cabdi Cali Xasan.