Sheekh Shariif Sheekh Axmed madaxweynihii hore dalka ayaa ka hadlay xaaadaha amniga iyo doorashooyinka dalka, kadib weerarradii dhowaan ka dhacay Muqdisho ee lagu qaaday garoonka Aadan Cadde iyo magaalada Baladweyne, kaas oo sababay geerida 48 ruux oo ay ku jirta xidhibaan Aamino Maxamed iyo dhaawaca 109 ruux.
Waxuuna ku baaqay in la dedejiyo doorashooyinka dalka si amniga xal loogu helo sida uu hadalka u dhigay waxaana uu yiri “Xaaladda amniga dalka waa ay sii xumaanaysaa, waxaa muuqda dayac ay sameeyeen hey’adaha Amniga, waxaan aad uga xumahay weeraradii ka dhacay Muqdisho iyo Baladweyne,waxaan ku baaqayaa in la dedajiyo doorashada si xal loogu helo dhibaatooyinka taagan, loona helo hoggaan mas’uuliyadda qaata”.
Sidoo kale isaga oo hadalkiisa sii wato uu baaq u diray hey’adaha amniga, waxaana hadalkiisi kamid ahaa ” Waxaa ay muujinaysaa sida amnigu uu u sii xumaanayo, xili la filaayo in doorashooyinka ay qabsoomaan, waxaan leenahay hey’adaha amniga iyo ciddii mas’uuliyaddaas iska laheed in baaritaanno si dhab ah loo sameeyo, si mas’uuliyadda dadkii iska lahaa ay u qaataan, ama loo saaro, haddii sharci iyo kala dambeyn aysan jirin dowladnimadu ma hirgeli karto, ciddii ka gaabisay mas’uuliyaddaas ama ka gaabisay in loo helo cadaalad”




From the comments