Wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka gadoodsan ay maanta xirteen afaafka hore ee laga galo xarunta lama galaay oo ay ku taallo gobta lagu qabto doorashada xildhibaanada golaha shacabka.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay ka soo jeedaan beesha iska leh kursiga HOP#059, kaas oo deegaan doorashadiisu tahay Baladweyne.
Gadiidka dagaalka iyo ciidamo hubaysan ayaa lagu arkayaa xarunta lama galaay ee Baladweyne kuwaas oo ka soo horjeeda hanaanka loo maray soo xulista ergada kursiga HOP#059 iyo in kursigaas loo xiro shaqsi gaar ah.






From the comments