Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta Muqdisho kula kulmay Guddoonka Guddiga Doorashooyinka heer federaal ee FEIT iyo xoghayeyaasha guud labada aqal ee BJFS.
Kulanka ayaa waxaa uu ku qotomay in la dedejiyo qorshaha shahaaddo siinta iyo dhaarinta xildhibaannada labada aqal si waafaqsan jadwalkii guddiga FEIT uu horay u soo saaray iyo in waqtigii loo asteeyey lagu dhaariyo.
Guddoonka Guddiga Doorashooyinka dadban ee heer federaal ee FEIT ayaa lafilayaa in 14 Bisha Abriil 2022-ka ay soo gaba gabeeyaan dhaarinta xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya ee lasoo doortay.




From the comments