Goobjoog

Yaa Kusoo Baxay Kursiga HOP#039 oo Lagu Doortay Baladweyne?

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta lagu doortay kursi ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuryadda federalka Soomaaliya, kaas oo tirsigiisu yahay HOP#039. Kursiga ayaa waxaa…

Yaa Kusoo Baxay Kursiga HOP#039 oo Lagu Doortay Baladweyne?

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa maanta lagu doortay kursi ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuryadda federalka Soomaaliya, kaas oo tirsigiisu yahay HOP#039.

Kursiga ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Cali Xaaji Aadan Abuukar iyo Aamina Xaaji Bile Cali, waxaana musharrax Cali Xaaji uu soo baxay 86-cod, kala musharrax la tartamay Aamina ay heshay 13-cod.

Kursigaan waxaa ku fadhisay Drs. Maryan Axmed Haaruun, kuraastii taallay Baladweyne  ayaa waxaa ka haray  HOP#135 oo ay ku fadhisay AUN Aamino Maxamed Cabdi oo  23-kii Maarso ku geeriyootay qarax ismiidaamin.

Dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa laga sugayaa 7 kursi, kuwaas oo deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada dhexe, waxaana la filayaa in dhowaan ay ka dhacdo doorashadooda.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments