Guddiga doorashooyinka heer federaal FEIT ayaa sheegay in xubna ka tirsan guddiga ay weerar ku soo qaadeen xarunta guddiga oo ay ka socoto bixinta shahaadooyinka xildhibaanada labada aqal.
War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in xubna ay horkacayaan guddoomiyihii hore ee guddiga Maxamed Ciro iyo Xoghayihii hore ee guddiga ay weerar ku qaadeen xarunta guddiga, iyagoo qash qashaaday howlaha iyo shaqada guddiga.
“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinku Heer Federaal ee (FEIT) waxa uu u caddeynayaa Bulshada Soomaaliyeed iyo cid kasta oo daneynaysa arrimaha doorashada, in Guddoomiyihii hore ee Xilka laga qaaday Maxamed Xasan Maxamed iyo Xoghayihii hore Cabdirixiin Cabdicasiis Adam, ay maanta soo weerareen Xarunta Guddiga, iyaga oo isku dayey inay qalalaase ka abuuraan goobta ay shahaado bixintu ka socotay. Xubnaha abuuray qaskaas ayaa ah kuwo ku shaqeynaya fikrado gurracan oo xagal-daacinaya shaqada doorashada” ayaa lagu yiri war ka soo baxay FEIT




From the comments