Madaxweynihii hore dowladdii kumeel gaarka aheyd ee Soomaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa si kulul uga hadlay digniin kasoo baxday hey’adda nabadsugidda iyo sirdoonka ee NISA , taas oo ku wajahneyd madaxda sare ee dalka, waxaana uu ku tilmaamay nasiib darro, isaga oo digniin u diray Farmaajo iyo hey’adaha amniga.
“Waxaa nasiib darro weyn ah in digniinta hay’adda NISA lagusoo beegay xilli ay habsami u socoto shahaadasiinta xildhibaanada barlamaanka 11 iyo dhaarinta xildhibaanada oo loo madlanyahay 14 bishan, sidaas darteed waxaan uga digayaa Mdaxweynaha JFS iyo hay’adaha amniga ee hoos yimaada wax waliba oo khalkhal gelinkara geedisocodka doorashada dalka”. ayuu kuri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka madaxweyne Shariif Sheekh.
Waxaana qoraalkii xalay kasoo baxay NISA uu ku tilmaamay cabsi galin lagu haayo madaxda qaranka, isaga oo ayaan darro ku tilmaamay in uu jiro ismilan hey’adda amniga qaranka iyo kooxaha dowladda kasoo horjeeda.




From the comments