Puntland oo Ku Guulaysatay Heshiisiinta Beelo Dagaalamay
Sheeko:Arrimaha Amniga
Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa ka qayb galay munaasabadda gunaanadka shirka nabadaynta beelaha walaala ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanada Saax-maygaag iyo Sangajabiye ee Puntland.
Guddiga nabadeynta howshan loo xil saaray ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo guud ahaanba munaasabadda la wadaagay go’aamada lagu heshiiyay oo faahfaahsan, kadib kulamo dhowr ah oo labada dhinac la isku soo hor fariisyay si looga heshiiyo dirirtii dhexmartay labada beelood.
Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, ayaa Munaasabadda kaga dhawaaqay in Puntland qaadatay go’aanka guddigu soo saaray, waxa uu sheegay in lagu shaqayn doono, isla markaana ciddii ka hortimaada la iska qaban doono, maamul iyo shacaba sida uu hadalka u dhigay xilli uu hadlaayay.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ugu dambayn u mahadceliyay masuuliyiinta kala duwan ee howsha nabadaynta kasoo shaqeeyay sida Isimada,Guddiyada, Ergada laba dhinac iyo Masuuliyiinta kale ee Dowlad Goboleedka Punland, kuwaas oo qayb ka ahaa dhowr madal oo la isku arkay.
Goobjoog News